Kenya oo sababeysay hakinta duullimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay go’aanka ay ku joojisay duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada Kenya ayaa sheegay in sabab dhinaca amaanka ah ay u joojiyeen duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

9kii Bishan warqad ka soo baxday Dowladda Kenya ayaa lagu war geliyay Wasiirka Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar in duullimaadyada tooska ah la hakiyay.

Wareegtada ka soo baxday Dowladda Kenya ayaa waxaa ku qoran in ay xayiraaddaas ku egtahay 9ka Bisha August ee sanadkan 2019ka.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso

You might also like More from author