Kenya oo qiratay in ay taageereyso Axmed Madoobe

Wargeyska Standard Media ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa qoray in Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay waddo dadaal xoog leh oo diblomaasiyadeed kaas oo ay ku dooneyso in doorashada Jubaland uu ku guuleysto Madaxweynaha hadda talada maamulkaas haya ee Axmed Madoobe.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ka mid ah Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in Axmed Madoobe dib loo doorto islamarkaana ay Kenya xoog badan gelineyso arrintaas.

Waxaa uu Wargeysku sheegay in Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ay sameeysteen Isbahaysiga dadka Kosheetigga ah islamarkaana ay doonayaan in ay beddelaan Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam ayuu Wargeysku ku sheegay in uu yahay saaxiibka kaliya ee Kenya ka caawin kara amniga sohdinta Soomaaliya iyo danaha ay ka leedahay Soomaaliya,

Marka laga reebo Kenya doorashada Jubaland waxaa walaac ka muujiyay Qaramada Midoobey, Mareykanka, Midowga Yurub, dowladaha Carabta, Itoobiya, Eritrea iyo xitaa dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya.

Guddiga doorashada Jubaland ayaa dib u dhigay doorashada Madaxweynaha oo lagu waday in ay dhacdo 19ka Bishan markii ay cadaadis kala kulmeen Beesha Caalamka hayeeshee Beesha Caalamka ayaa wali ku dheggan muddo kordhintaas oo ay sheegeen in aysan waafaqsaneyn sharciga iyo wadahadalladii ku dhexmaray Kismaayo.

You might also like More from author