Kenya oo diyaaradaheeda ka mamnuucday inay yimaadaan Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay wadankeeda aysan tagi karin diyaaradaha ka tagaya dhammaan goboladda Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas kaga jawaabaysa in Xamar ay iska diidday qaadkii Kenya.

Sidoo kale waxaa lagu amray diyaaradaha Kenya laga leeyahay ee ka shaqeeya Soomaaliya in Nairobi ay ku xaroodaan, waxay xukuumadda Kenya isku dayeysaa in Soomaaliya ay go’doomiso si ay qasab uga dhigto in Qaadkeeda la qaato.

Xiriirka laba dal ayaa maalma kahor la sheegay in la soo celiyey, balse warar argagax u leh bulshadda ayaa ka dhanka Kenya kasoo baxay iminka.

Soomaaliya diyaaradaha goboladeeda ka shaqeeya ka shaqeeya waxaa laga leeyahay dhammaan Kenya, taasoo ka dhigan in xitaa wax ka shaqeeya goboladda la waayo doono.

You might also like More from author