Kalluumeysato laga siidaayay Somaliya oo gaaray dalkooda Thailand

Magaalada Bankok ee dalka Thailand waxaa gaaray 18 Kalluumeysato u dhashay dalkaas kuwaas oo shaqadooda Soomaaliya muran badan ka jiray.

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in muwaaddiniinteeda lagu addoonsado biyaha Soomaaliya islamarkaana aysan helin xaqa ay ku leeyihiin Hay’adda ay u shaqeynayeen.

Raggan 18ka qof gaarayay ayaa u shaqeynayay Doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Waddani 1 waxaa ay ka howlgashaa Xeebaha Maamulka Puntland.

Dhowr jeer ayey dib u dhacday siideyntooda,waxaana ugu dambeyn u suuragashay in ay gaaraan dalkooda.

Dowladda Thailand ayaa sheegtay in safaaraddeeda Nairobi ay fududeysay dib u laabashada dadkaas markii ay la xiriirtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Waxaa ka horreeyay 13 Kenyaan ah oo iyaguna sheegay in lagu addoonsanayay Xeebaha Soomaaliya dibna ugu laabtay dalkooda.

Ragga iska leh Doonta Waddani 1 oo ay Wareysatay Mustaqbal Radio ayaa beeniyay in ay addoonsadaan shaqaalaha u kala dhashay Kenya, Thailand iyo kuwo kale oo ay Bangaladesh ka midyihiin.

You might also like More from author