K/galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada qaar ka mid ah kuraas taala Baydhabo.

Guddiga Maamulka doorashada DG Koofur galbeed ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 6-Kursi oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddiga ayaa sheegay in kuraastaan doorashadooda ay qaban doonaan sida ku cad jadwalka ay soo saareen 3/03/2022, iyagoo inta ka horreysa tababaro siin doonaan Guddiyada iyo diiwaangelinta musharixiinta u taagan doorashada kuraastaas.

Kuraasta 6-da ay Guddiga soo saareen ayaa kala ah: HOP#275, HOP#230, HOP#183, HOP#178, HOP#050 iyo HOP#253.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri” Guddiga Hirgilinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed (SEIT) Koofur Galbeed waxay shaacinayaan jadwalka qabashada doorashada 6-kursi oo ka mid ah 4 kii kursi ee guddigu shaaciyay 27 February 2022 iyo 2 kursi la shaaciyay 1 January 2022 kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay KGS deegaan doorashada koowaad Baydhabo.

Qoraalka Guddiga hoos ka akhriso:-

You might also like More from author