Jubbaland oo maanta qabaneysa doorashada kuraastii ugu dambeesay

Dowlad Goboleerka Jubbaland ayaa Maanta oo isniin ah soo geba-gabeeyneysa doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay ee ka mid ahayd kuraas taalla Magalada Kismaayo, iyada oo weli ay caqabad ka taagan tahay doorashada kuraasta taalla Garbahaareey.

Guddiga doorashada maamulkaas ayaa shalay diiwaangeliyay musharixiin dhowr ah kuwaas oo raba in ay ku tartamaan labada kursi.

Kuraasta maanta la qabanayo doorashada ayaa kala ah: Hop#219 iyo Hop#133, balse guddiga ma aysan shaacin halka lagu qabanyo doorashada kuraastaan.

Kuraastaas waxaa hore ugu kala fadhiyay Xildhibaanno hore kuwaas oo kala ah Cabdifitaax Maxamed Cali iyo luul Cabdi Aadan.

You might also like More from author