Jubbaland Oo ka hadashay mar kale Qorshaha Farmaajo Ee Muddo kororsiga

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay inay ayidsan yihiin go’aankii Golaha Nabada Midowga Africa dhinacyada Soomaalida ugu baaqaan in dib loogu laabto wada xaajoodka,loogana soo horjeedo muddo kororsiga loo sameeyey Hay’adaha federaalka.

Warkaan kasoo baxay Jubbaland oo Xamar Post Aragtay ayaa u qornaa sidatan:

Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.

Waxa tan iyo markii 12-kii Bishaan Dawlada Soomaaliya ay muddo labo sano ah ugu dareen Golaha Shacabka soo baxayey diidmo ka imaaneysay dhinacyada Soomaalida qaar iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

You might also like More from author