Jabuuti oo maanta xuseysa sanadguurada 42aad ee Madaxbanaanideeda

Dadka Reer Jabuuti iyo Dowladdooda ayaa maanta u dabaal degaya sanadguurada 42aad ee ka soo wareegtay markii ay Gumeysiga ka heleen Madaxbanaannida.

Dabaal dagyo waaweyn ayaa ka socda Magaalooyinka kala duwan ee dalka Jabuuti,waxaa sidoo kale dalkaas maalmihii la soo dhaafay buuxiyay diblomaasiyiin kala duwan oo ka qeybgelaya Maalinta xarriyadda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa qaabishay Diblomaasiyiin ka kala socda Caalamka kuwaas oo farriimo hambalyo ah ka wada hoggaamiyayaashooda.

Waxaa sidoo kale hambalyo maalintan weyn ee Reer Jabuuti u diray Madaxda kala duwan ee Caalamka gaar ahaanna kuwa xiriirka dhow la leh Dalka Jabuuti.

Jabuuti ayaa 27kii june sanadkii 1977kii madax banaanideeda kala wareegtay Dalka Faransiiska kaas oo ilaa hadda ah saaxiibka 1aad ee Dowladda Jauuti.

Jabuuti oo ah dal dhul iyo dad ahaamba yar waxaa ay saameyn muuqata ku leedahay Afrika waxaana ay marti gelisaa saldhigyo Milatari oo ay leeyihiin dalalka ugu awoodda badan Caalamka sida Mareykanka, China, Japan, France iyo kuwo kale.

You might also like More from author