Jaamacadda Kheyre; Samafal qeyb ka noqdey fowdada tacliinta sare!

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre; ayaa dhowaan booqashadiisa Magaalada Baydhabo waxa uu  waxa uu qudbad ka jeediyey jaamacad loogu magac daray isaga oo laga furey Magaalada Baydhabo.

Fikradda Asaaska Jaamcadda Kheyre; ayaa timid bartamihii bishii September ee sanadkan kadib markii uu ku tabarucay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre; in uu mushaarkiisa ku bixiyo waxbarashada 100; arday taas oo noqotey asaaska Jaamacadda Kheyre;  Hadda Jaamacdda Kheyrre waxaa dhigta ku dhowaad 100; arday oo kamid ah ardayda wax ka barata in ku dhow 100; jaamacadood oo dalka laga furey 5tii sano ee ugu dambeysay, jaamacadahaas badankood waxa la furay xiligiisa oo lagu tilmaamay in ay bilaabatay fowdada tacliinta sare.

Haddaba qaar kamid ah aqoonyanada Koofur Galbeed; ayaa ka welwelsan tayada Waxbarashada Jaamacadaha dalka gaar ahaan kuwo koofur gableed, kuwaas oo u baahnaa kaalmada Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaga oo muujiyey in ay ahayd in uu kaalmeeyo jaamacaddaha ka furan magaalada Baydhabo.

Haddaba Magaalada Baydhabo waxa ku yaala ku dhowaad 10; jaamacadood oo ay ka mid yihiin :-

University of Southern Somalia waxaa 10; sano ka hor asaaseyaqoonyahano ka soo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibeddiisa, maamulka Jaamacadan ayaa waxa uu waqti badan geliyey sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo manhajka waxbarasho ee Jaamacadda oo hadda ka kooban 5; kuliyadood

Baay University    ayaa iyadana waxaa la aasaasey 2013, waxaa lagu bartaa ilaa 5; kuliyadood waxa ayna ku leedahay gudaha magaaladda xarumo waaweyn oo wax lagu barto , Jaamaadda Baay ayaa dhowaan hergelisay Maktabad balaaran oo ku keydsan yihiin agab waxbarasho oo kala duwan, sidoo kale maamulka Jaamacadda Baay  ayaa soo bandhigey manhaj dhamaystiran oo lagu barto lahjadda Maay-ga ee Afka soomaaliga

Jaamcaaddaha kale ee ku yaala magaaladda Baydhabo waxaaka mid ah jaamcaddaha:-Upper Jubba University, Ganaany University, Arlaadi University,  Baydhabo International University (BIU),

Jaamacaddahan ku yaala Magaaadda Baydhabo ayaa waxa ay xubin ka yihiin ururka midowga jaamacadaha Soomaaliyeed  (Association of Somali Universities ) oo loo yaqaano ASU,  halkaan ka aqriso xubnaha Jaamcaddaha

Haddaba samafalkan loo isticmaaley sida qaldan waxa uu qeyb ka noqonayaa fowadada tacliinta sare ee dalka ka jirta, taas oo looga fadhiyey xukuumadda in ay wax ka qabato, Waxa ay ahayd in samafalkan xoogga saaro tayada Macalimiinta, Manhajka, Agabka waxbarashada kuna shaqeeya dhismayaal kooban oo ku yaala guryo loogu talogelay deegaan Qoys , tayo xumida  jaamacadaha ayaa waxa ay saameyn xun ku yeelatay fursadaha shaqo ee dhalinyarada kuwaas oo ay ugu darsantay shaqo la’aanta dalka ka jirta.

Haddaba qaar kamid ah Aqoonyahanada Koofur Galbeed oo aan la xiriirney ayaa waxa ay ku taliyeen soona jeediyeen talooyinkan hoose:-

In uu Taageero dhaqaale ku daro Jaamacadda Koofur Galbeed ee August 12, 2016 uu Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed  oo ay weheliyeen wakiilo ka socoday Dawlada talyaaniga ay dhagaxdhigeen Magaaladda Baydhabo taas oo la rajaynayo in ay si weynu daboosho baahiyaha waxbarasho ee Gobolada:- Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

In uu Deeq Waxbarasho ka siiyo ardayda uu caawinayo Jaamcaddaha ku yaala magaaladda baydhabo si ay u tayeysmaan jaamacadaha gudaha ee Magaalada baydhabo

In uu Ka furo Magaalada baydhabo Farac Jaamcadda Umadda Soomaaliyeed ”JUS” haddii uu danaynayo waxbarasho tayo leh iyo qorshe waxbarasho oo tayo leh.

In ardaydan uu wax ka siiyo deeqaha la tuhunsan yahay in la musuqmaasuqo qeybta koofur Galbeed si ay u soo baxaan arday tayo leh oo anfaci kara dalka iyo dadka

Xigasho: Jaamacadaha KGS

You might also like More from author