Jaamacada Carabta oo xubno ka socda shir ka furayaan Maanta Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmay tababar ay garwadeen ka tahay Ururka Jaamacada Carabta.

Shaqaale katirsan Wasaarada Howlaha guud iyo Guryeynta ayaana ka faa’iideysan doona tababarkaan oo dhismaha.

Khabiirka ka socda Ururka Jaamacada Carabta ee lagu magacaabo Maxamed Caadi Risqi ayaa sheegay in casharo muhiim ah ku bixin doonaan Siminaarka inta uu socdo uuna rajeenayo in wax badan laga faa’iidi doono.

Wasiirka Wasaarada Howlaha guud iyo Guryeynta Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) ayaa sheegay inay ka mahad celinayaan Khabiirka imaanshihiisa Muqdisho ayna ka wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin tababarka uu qabanayo.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Ururka Jaamacada Carabta waxaana dhowr kulan ay ka qeyb gashay lagu amaanay hormarka dhinaca dhismaha iyo tan dhaqaale ay sameysay sanadihii lasoo dhaafay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author