Isra’il iyo Kaalinta ridista madaxweyne Al-Bashiir.

Jarmalka waxaa bilowga Sanadkan ku kulmay Taliyayaasha Sirdoonka Sudan iyo Isra’il, Ninka heysta Sirdoonka Sudan waxaa loo sheegay in laga dhigayo madaxweynaha Sudan, haduu rido Al-Bashiir.

Waxaa lagu heshiiyay in shaqada ridista loo diro Taliyayaasha Milatariga Sudan, Isaga howsha Daaha Gadaashiisa ka maamulo, Masar iyo IMaaraatkana bixiyaan dhaqaalaha howshan lagu wadaayo.
Colaada Masar iyo Imaaraatka u qabaan Al-Bashiir.
Al-Bashiir Imaaraatka wuxuu u diiday inuu Saldhig ka siiyo dalkiisa, taa bedelkeedna Turkiga ayuu siiyay, taasoo keentay Carada Imaaraatka.
Masar Saddex arinee Al-Bashiir ku heysataa;
1- Mid waaa arinta wabiga Nile oo hada Itoobiya ka soo dhamaaneyso oo labada dal isugu biya shubaneyso.
2- tan kalena waa muranka ka dhashay Jaziirad labada dal isku heystaan oo Soohdinta Masar iyo Suudaan dhacdo, iyadoo dagaal inuu dhoco lagu dhawaaday.
3- tan kalena waa Madaxweynaha Masar oo Isra’il la jiro, dlakiisana ka cirib tiray IKhwaanka, halka Suudaan Ikhwaanul Muslimiinka taageerto.
Hadey dhacdo in Taliyaha Sirdoonka Suudaan uu talada la wareego, waxaa cadaaneyso in Isra’il gaartay hadafkeeda.

Muuqaalka Hoose waa heesta Qaranka dalka Suudaan.

You might also like More from author