Ismiidaamin lagu weeraray Xarunta Asluubta Ee Muqdisho

War goordhaweyd kusoo dhacay,warqabadkeena ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Ex control Afgooye.

Qaraxa oo jugtiisa meelo kala duwan laga maqlayey,ayaa abaare 7:55 daqiiqo uu dhacay,iyagoo dad badan ay cabsi ka qaadeen.

Qaraxa ayaa la sheegay in ismiidaamin ahaa,mooto laga soo buuxiyey,waxaana lagu beegsaday Xarunta Asluubta Soomaaliyeed.

Weli faah faahino badan lagama helin,meesha qaraxa uu ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Wixii soo kordho insha allaah dib kala socda

You might also like More from author