Inkabadan 50 Milyan Qof oo caalamka ku barakacay Sanad gudihiisa

Warbixin ay wadajir usoo saareen Hay’adaha NRC iyo IDMC ayey ku sheegeen in sanadkii lasoo dhaafay uu kordhay dadka barakacay Caalamka oo dhan.

Tiro koobka la sameeyey ayaa la sheegayaa in 55 milyan qof ay xaalado kala duwan uga barakaceen goobihii ay degganaayeen.

Abaaraha,Cudurka covid 19 iyo Colaado isbiirsaday ayaa lagu micneeyey inay tani horseed ka dhigtay kororka ku yimid dadka dunida barkacooda inay saa’id noqdaan.

Sanadkii labaad ayaa covid 19 uu saameyn taban ku yeeshay dalal badan oo caalamka ah,waxaana kala xirmay isku socodka ganacsiga iyo duulimaadyada.

You might also like More from author