Inkabadan 160 Qof oo Israa’iiliyiinta ku dhaawaceen Masjidka Al Aqsa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay rabashado gacan ka hadal sababay oo ka dhacay Gudaha Masjidka Barakeysa Al Aqsa.

Ciidamada Israa’iil ayaa rasaasta Cinjirka ah iyo Sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad mudaaharaad kala hor yimid Salaadii khudbada shalay.

Waxay sababtay in markii dambe ciidamada adeegsadaan Xabado nool nool,taas oo keentay in kabadan 160 qof ay ku dhaawacmaan.

Hay’ada Bisha Cas Laanteeda ka howlgasha Falastiin waxay sheegtay in 163 qof oo dhaawac ah ay diin waan geliyeen,meel ku dhaw Deegaanka Sheekh Jarah ayey Rabshadaha gaareen ilaa xalay fiidkii.

Xaalada saaka oo sabti ah waxay tahay goobahaasi mid deggan,iyadoo ciidamo badan oo israa’iil ah ay buux dhaafiyeen Bariga Qudus.

You might also like More from author