Inkabadan 100 dagaalyahan Al Shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Sh/Dhexe

Ciidanka xoogga dalka oo gobolka shabeelaha dhexe kawada howlgal lagu ciribtirayo kooxda nabadiidka ah Al-shabaab howlgaladaasi oo uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa argagixisada waxaa lagu gaarsiiyay jabxoogan iyadoo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

sidookale waxaa looga sifeeyay degaano ay kamidyihiin Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo katirsha shabeelaha dhexe.

Maleeshiyaadka qawaarijta Al-shabaab waxaa laga dilay kudhawaad 100 maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira iyadoo dhaawacu intaas kabadanyahay sidookale waxaa looga furtay hub iyo gaadiid maleeshiyaadkalana nolosha ayaa lagu qabtay.

Howlgalada ayaa weli kasocda gobolka shabeelaha dhexe wararka laxiriira howlgaladaasi ay dib taliska Xoogga Dalka ka faah faahin doonaan.

Xigasho: Warbaahinta Dawlada Soomaaliya

You might also like More from author