Inkabada 50 kun qof oo ka qaxay Magaalada Qasa Ee Falastiin

Inkabadan 52 kun qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku barakacday duqeymaha Israa’iil ay tobankii maalmood lasoo dhaafay ka fulineysay Magaalada Qasa.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobeey ayaa lagu sheegay in kudhawaad 450 Dabaq ay ku bur bureen duqeymihii dhacay.

Afhayeen u hadlay Hay’ada QM uqaabilsan bini’aadanimada OCHA ayaa sheegay in Haween iyo Carruur gaareysa 100 ay ku dhinteen sawaariikhdii Qasa ku dhacay.

9 Iskuul,xarumo Caafimaad & Lix cusbitaal oo waa weyn ayaa sidoo kale ku bur buray weerarka Magaalada Qasa ay wajahday tan iyo 9 Bishaan May.

You might also like More from author