Imaaraat-ka Carabta & Suudaan Oo Kawada Hadlay Arinta…

Wasiirka Arimaha Dibada Imaaraat-ka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Sayid ayaa qaabilay dhigiisa Dalka Sudan gabadha lagu magacaabo Maryan Al Mahdi.

Labada Wasiir oo ku kulmay Dubai ayaa ku nuux nuuxsaday xoojinta xiriirka udhaxeeya Labada Dal.

Xukuumadaha Qartuum iyo Dubai waxay isku waafaqeen in la kordhiyo wada shaqeynta Ganacsi,mida Diblomaasiyadeed iyo tan Socdaalka ee Ka dhaxeysa.

Imaaraat-ka ayaa Warshado badan ka taageeray Suudaan inay dhisato kuwaas oo ka shaqeeya Biyaha,Korontada iyo Wax soo saarka Beeraha,ilaa 1970-kii xiriirkooda waa uu hagaagsanaa Labada Dal.

You might also like More from author