Imaaraadka oo burburiyay gantaal Xuutiyiinta ay ku weeerareen wadankaasi.

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday,saakay oo  Isniin ah, in nidaamka difaaca cirka ay ka hortageen oo ay burburiyeen laba gantaal oo ballistic ah oo kooxda argagixisada Xuutiyiinta ay ku soo rideen dhanka dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Emirates, WAM.

Wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in weerarkaas uusan geysan wax khasaare ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkeeda ku xaqiijisay in ay diyaar u tahay wax ka qabashada khatar kasta oo soo wajahda, isla markaana ay qaadayso tallaabo kasta oo looga hortagayo weerar kasta oo ka ymaada dinaca xuutiyiinta Yemen

You might also like More from author