Iiraan Oo Dal Ku Yaalla Qaarada Yurub Heshiis Kula Galeysa Tehraan

Kulankaan ayaa ah mid Labada Dal ay kaga arinsanayaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Shir hordhac ah ay Sabtidii Shalay yeesheen Wasiirada arimaha Dibada Labada Waddan waxay ballan qaadeen in dhinaca diblomaasiyada sare loo qaado.

Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada Serbia Nikoola Selakoofij uu ku joogo Magaalada Tehraan Caasimada dalka Iiraan ayuu kaga faa’iideysan doonaa Qorsheyaal dalkiisu ka leeyahay Iiraan.

Maxamed Jafaad Shariif oo ah Wasiirka Arimaha Dibada Iiraan ayaa ballan qaaday dhankooda inay wanaajin doonaan cilaaqaat-ka kala dhaxeeya Waddanka Serbia oo Bartamaha Yurub Dhaca.

You might also like More from author