Howlgal Lagu Baacsanayo Burcada Dhaca geysta Oo Ka Socda Muqdisho

Ciidamada Amniga ayaa ka bilaabay Xaafadaha Qaar Muqdisho Howlgal la sheegay in lagula dagaalamayo Burcad dadka dhac iyo baarasho ku hayey.

Wararka waxay sheegayaan in Bajaaj dadka wax dhaca ay saarnaayeen qaarkood lagu baacsaday xaafado ku yaalla Degmada Hodan.

Ilo madax banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska General Cabdi Xasan Xijaar amar ku bixiyey in laga qabto Magaalada kuwa dadka dhaca ugeysanaya.

Xaafadaha Taleex,KPP,Aagga Waaberi iyo Jidka Sodonka meelo ka mid ah ayey Dhaca aad ugu badnaayeen maalmahaan.

Kooxaha dhaca geysta ayaa Mobilada iyo Laptop dadka wata ka dhaca,iyagoo qaarkood Bistoolado iyo Qoyo wata marka ay falka geysanayaan iyo bajaajyo.

You might also like More from author