Howlgal ka dhan ah Al Shabaab Oo laga fuliyey Gobolka Hiiraan

Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah  Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay ciidamada Xoogga waxay ku baacsadeen Al-Shabaab oo halkaas dadka marasta ah ku dhibaateynayay.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayey howlgalkan ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Qalabka sida ayaa wada howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo caadeystay in ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

You might also like More from author