Howlgal Galmudug & Puntland kawada fuliyeen Magaalada Gaalkacyo
Ciidamada Booliiska Galmudug iyo Kuwa Maamulka Puntland ayaa wadajir Gaalkacyo uga fuliyay Howlgalo Amniga lagu xaqiijinayey.
Howlgalkaan oo ay wadajir u fulinayaan Booliiska Magaalada Gaalkacyo ee Labada Maamul ayaa ujeedkiisu ahaa sugida Amniga waxayna ciidamadu ka sameeyeen Waqooyiga iyo Koonfurta Magaaladaasi.
Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayey Taliye xigeenada Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland G/Le Maxamed Xasan Warsame san jeex iyo Taliye Koomaad.
Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkaan ayaa tilmaamay in Howlgalkaan loogu talo galay sugitaanka Amniga Gaalkacyo iyo sidii looga hortagi lahaa falalka kooxaha Maleeyshiyaadka gaystaan Magaalada taas oo ay ku dhibaateeyaan Bulshada Soomaliyeed
Saraakiisha ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska ee markasta u taagan Amniga iyo la dagaalanka Nabad diidka.