Howlgal Al Shabaab looga saaray deegaano dhowr ah Gobolka Hiiraan

Ciidan ka xooggga dalka Qeybtooda 27-aad ayaa Howlgal ballaaran waxa la sheegay inay ka sameeyeen Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Deegaanada Howlgalka laga fuliyey ayaa waxa hore ugu sugnaa Al Shabaab iyadoo meelaha qaar la sheegay in iska horimaad uu ka dhacay.

Tuulooyinka howgalka laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah  Aboorey,  Beero-yabal, Wariireey, Galboocle iyo Yasooman, iyagoo tuulooyinkaan dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah mid si guud ay ciidanka xoogga uga wadaan Hirshabeelle kaas Oo Al-shabaab looga saarayo Goobaha ay ku sugan yihiin.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Maxamed maxamud  calasow (Tareedisho) oo Hor kacaya howlgalka ayaa sheegay in ay hormar ka sameeyeen deegaanadii ay tegeen oo ciidamadu la wareegeen.

Lama soo tebin faah faahino intaas ka baxsan mana jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi looga saaray deegaano ay ka joogeen Agagaarka Buula burde.

You might also like More from author