Hooyo Loo xiray 3 Ciyaal ay Dhashay Meydkooda Oo La Helay

Ciidamada Booliska Magaalada Los Angeles ayaa xabsiga dhigay Hooyada dhashay Seddex ciyaal ah oo meydkooda dhawaan la helay.

Liliyaana Kariilo oo 30 jir ah ayaa waxa baaritaan ciidamada ku sameenayaan sida ay falka lagu eedeeyey ufulisey,seddex carruur ay dhashayna la sheegay inay dishay.

Magaalo 322 km ujirta Los Angeles ayey degganeyd Haweeneydani,lamana faah faahin dhacdada xog intaas ka baxsan.

Sargaal u hadlay Ciidamada Booliska ayaa si hordhac ah usheegay in Carruurta ay dhamaantood ka yar yihiin 5 sano kuwaas oo meydkooda meel gurigooda ka mid ah laga helay.

You might also like More from author