Hoobiyayaal lagu weeraray Xarunta Xalane ee Muqdishu.

Tirada Hoobiya-yaal ayaa lagu weeraray Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdishu goor dhaw .

Goob joogayaal ku sugan Xarunta Xalane ayaa warbaahinta Xamar-Post u sheegay in ay arkayeen dhoor hoobye oo xarunta gudaheeda ku dhacay.

Ilaa iyo lix hoobiye{  6 }aye qiyaastii sheegeen Goobjoogayaashu in ay u gudbeen gudaha xerada Xalane  .

Lama oga Qasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyayaasha ah ee lagu weeraray Xarunta Xalane iyo iyo hadda iyo cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkaasi.

Xerada Xalane ayaa maalmaha soo socda waxaa ka dhici doona shirweyne ay u dhan yihiin dowlada Soomaaliya , maamul Goboleyd yada , Mucaaradka iyo Beesha Caalamka .

BY : MOHAMED YAHYE JIINOW

You might also like More from author