Hoggaamiyeyaasha dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo 75-daqiiqo taleefoon kula hadlay Madaxaweynaha Ruushka, Vladamir Putin, ayaa ugu baaqay Xabbad Joojin deg deg ah oo laga gaaro dagaalka ka socda Ukraine, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka.

Wadahadalka ka dib, Madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegtay in Putin uu uga warbixiyay labada hoggaamiye ee Yurub halka uu marayo wada hadalalka Moscow iyo Kyiv, wuxuuna ka jawaabay walaaca ay ka qabaan xaaladda bini’aadantinimo ee Ukraine.

Putin ayaa sidoo kale Madaxda Jarmalka iyo Faransiiska u kala hadlay ujeedka dagaalka Ukraine ay ka leeyihiin iyo sida uu ku joogsan karo oo ah fulin dalabaadka Ruushka.