Hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida oo gudaha Suuriya lagu Dilay

Cabdul Xamiid Al-Matar  oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacidada Suuriya ayaa   diyaaradaha Mareykanka ay ku dileen Duqeyn ka dhacday  Suuriya.

Af hayeen Taliska Dhexe Mareynka yaa warbaahinta u sheegay in ay dileen Xubin Firfiroon oo Ka tirsaneyd al-qaacidada Suuriya.

Cabdul Xamiid Al-Matar  ayaa Mareykanka uga diiwaan gashnaa Liiska Argagaxisa Suuriya in muddaa.

Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la tilmaamay in kooxda Al-qaacida ay weerareen fariisin mileteri oo Maraykanku ku lahaa koonfurta dalka Suuriya.

 

You might also like More from author