Hogaamiyaha golaha kacdoonka gobolka Hiiraan oo ka hadlay xaaladda Baledweyne

Janaraal Abuukar Warsame Xuud oo Ah hogaamiya golaha kacdoonka gobolka Hiiraan islamarkana imika wadahadallana kula leh Muqdisho, Xubno ka socdo Villa Somaaliya ayaa BBC-da u sheegay ina nabaddii ay Muqdisho u yimaadeen “dhabarka laga jabinayo”.

“Beledweyne sida aan hadda u jeedo, waxay ku dambeyn doontaa sidii Duusamareeb iyo Guriceel ka dhacday oo kale, haddii wadatashiga iyo miiska aan u nimid la xoojinin, wax meel la isla dhigin, isku talana aan la noqon, waxay u ekaanaysaa in faraha la isla galo, meel xuna ay tagto, masuuliyaddaasna iyagaa qaadi doona berito.” Ayuu yiri Janaraal Xuud.

Waxaa uu sidoo kale ka digay mustaqbalka nabadda magaalada Beledweyne.

Janaraal Abuukar Warsame Xuud ayaa fata ku fiiqay in marka xaaladda ay meel xun gaarto cidda masuuliyadda qadayso.

You might also like More from author