Hogaamiyaasha labada Kuuriya oo ku kulmay xadka labada dal kala qeybiya

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee ka socda Waqooyiga Kuuriya oo gaara Koofurta Kuuriya kadib markii uu ka gudbay xadka kala qeybiya labada dal tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1953.

Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday iyadoo uu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi sheegay inuu rajeynayo in kulankooda uu noqdo mid furfuran oo miro dhala.

Hogaamiyaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in ayaa isna sheegay in uu rajaynayo in heshiis wayn ay ku gaadhaan wada xaajoodkaas oo la filayo in ay xoogga ku saari doonaan in jasiirad la moodka Kuuriya laga dhigo meel nukliyeerka ka caaggan iyo in si rasmi ah loo soo af jaro dagaalka Kuuriya.

Dadkii goobjooga ka ahaa kulanka labada hogaamiye ayaa la yaabay kadib markii uu Madaxweynaha Waqoyiga Kuuriya Mr Kim uu ka codsaday dhiggiisa in uu u soo gudbo dhinaca wadanka Waqoyiga Kuuriya kadibna waxa ay dib ugu soo laabteen dhinaca Kuuriyada Koofureed.

 

Kulankii ugu horeeyay ayaa soo dhamaaday waxaana la sheegay in hogaamiyaha waqooyiga isagoo saaran gaari madow ah uu dib ugu laabtay dalkiisa halkaas oo uu ku soo qadeynayo kadibna waxa uu ku soo laabanayaa waqoyiga Kuuriya si wadahadlada halkaa ay uga sii ambaqaadaan.

You might also like More from author