HirShabelle Oo Xilka Qaadis ku sameysay Mas’uuliyiintii..

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa digreeto uu soo saaray maanta waxa uu ku magacaabay mas’uuliyiinta cusub Ee degmada Maxaas Gobolka Hiiraan.

Muumin Maxamed Xalane ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Maxaas isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cabdi Muumin Cali.

Sidoo kale Wasiir Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyey Xasan Cabdulle Carabeey isagoona magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo Maaliyada Gobolka Hiiraan oo laga dhigay Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maalin.

Wasiirka ayaa dhammaan Hay’addaha amniga iyo shacabka faray inay la shaqeeyaan Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay, waxaana labada Mas’uul laga dalbaday iyaguna inay ugutaan waajibaadkooda shaqo.

Degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa inta badan isbadelo iyo xilka qaadis la kulmaan mas’uuliyiinta la magacaabo iyagoo bilo aan xafiiska joogin.

Maxaas
Maxaas

You might also like More from author