Hirshabelle oo ku dhawaaqday Arin shabaab ka nixisay

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay kala hadleen howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka hadlay qorshaha sugidda ammaanka deegaanada maamulkaas.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in Madaxda Dowladda federaalka ay kala hadleen sidii deegaanada Hir-Shabeelle ay qayb ugu noqon lahaayeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabab ee socda.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo wax laga weydiiyay waxyaabaha kahor taagan sugidda ammaanka deegaano dhowr ah waxa uu sheegay in dadaalo ay wadaan madaxda maamulkaas.

Waxa uu shacabka ka dalbaday in ay ka gacansiiyaan Sugidda ammaanka Hir-Shabeelle oo baahi guud loo wada qabto, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe waxa uu sheegay in Ciidamada maamulkaas ay diyaar yihiin, isla markaana muddooyinkii dambe Tababaro ciidan la siinayay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM oo kulamo yeeshay waxa ay kaga hadleen qaadista howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

You might also like More from author