Hirshabeelle oo ka digtay in la Carqaladeeyo hanaanka doorashada

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Sheekh Abuukar Xasan Cali oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la hor istaago qabsoomida doorashada Hirshabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in dhibaato loo geysto Xubnaha ka shaqeynaya qaban qaabada doorashada.

Waxa uu xusay in qalalaasaha ka taagan iyo Ciidamada la geeyay baladweyne aysan saameyn ku yeeelan doonin hanaanka doorashada.

Waxa uu siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Hirshabeelle ugu baaqay in ay ka fogaadaan waxwalbo oo dib u dhac u keenaya doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle.

Sheekh Abuukar ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo ah ay ugu dhici lahayd doorashada.

You might also like More from author