Hir-shabeelle oo shaacisay jadwalka doorashada kuraas taala Beledweyne

Guddiga maamulka doorashooyinka Hir-shabeelle ayaa soo saaray Odoyaasha dhaqanka iyo Wakiilada Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada dooraneysa laba kursi oo ka mid ah kuraas deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga ayaa maanta lagu wadaa in ay diiwaangeliyaan musharixiinta u tarmaya kuraasta kale ah Hop#011 iyo Hop#063, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka taagnaa khilaaf kaas oo la xiriira hanaanka loo wajahayo doorashadooda iyo cida maamuleysa.

Khilaafkaas waxaa uu dhaxeeyay xubno ka mid ah guddiga doorashada Hir-shabeelle iyo Madaxda ugu sarreysa maamulkaas, iyadoo markii dambe khilaafkaas uu sababay xil ka qaadis uu Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku sameeyay Guddoomiyihii guddigaas Axmed Xuseen Diini.

Sidoo kale, isla shalay guddiga doorashada Hir-shabeelle ayaa guddoomiye hab gacan tag ah ugu doortay Maxamed Xuseen Maxamed Waadi, kaas oo wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Hir-shabeelle kaga mid noqday xubnaha guddigaas.

Kuraasta maanta la diiwangelinayo oo kale ah Hop#011 iyo Hop#063, waxaa hore ugu kala fadhiyay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Naxamed dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

You might also like More from author