Heegan la geliyey ciidamada si ay uga hortegaan Banaanbax Isbuuca dambe

Ciidamada amaanka Dalka Zimbabwe ayaa la faray inay ka hortegaan qorshe ay Mucaaradka Dalkaasi ku abaabulayaan Banaanbax ka dhan ah Dawlada.

Isku soo baxa ayaa la qorsheeyey inuu dhaco Isbuuca dambe xilli ay ku beegan tahay markii madax banaanida dalkaasi qaatay.

Isagoo shalay ka hadlayey Caasimada Harare Wasiirka Dhaqanka Zimbabwe Kaseembe Kaseembe ayaa sheegay in aan la aqbali Karin xilligaan oo cudurka covid 19 dad badan la isku soo bixiyo,iyadoo dano gaar ah siyaasiyiinta mucaaradka leeyihiin.

Wasiirka waxa uu ka digay in arintaasi laga qeyb qaato,ciidamadana ka codsaday inay hor istaagaan wax kasta oo banaanbaxaasi sahli kara inuu dhaco.

You might also like More from author