Hay’adaha Amaanka Dowladda oo kanacsatada suuqa Bakaaraha ku amaray in ay dib u furaan ganacsiyadooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ganacsatada suuqa Bakaaraha ku amartay in lafuro suuqa bagaaraha oo cabsida Daacish u xiran ilaa Arbacdii la soo dhaafay sida ay inoo xaqiijyeen illo wareedyo xil Kas ah.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka bixiyeen amarkaan, iyadoo loogu hanjabay in la jebin doono Albaabkii xiran.

Arintaan ayaa sida ay shegeen Ganacsatada Waxaa ay u muuqataa in ganacsatadu ay dhaxda ugu jiraan arrin adag oo qatar ah maadaama dowlada oo aan damaanad qaadi karin amnigooda sida ay shegeen.

Amarkaan kasoo baxay hay’adaha amaanka Dowladda ayaa kusoo aadayo xili maalmihii lasoo dhafay uu Suuqa Bakaaraha u xirnaa Cabsi laga qabo daacish taa oo ay Daacish ganacsatada ka dalbatay lacago faro badan kuwaa oo ay sida ay shegeen Ganacsatadu aysan awoodin bixinta lacagaahaasi.

You might also like More from author