Hay’ada WFP Oo War Farxad aheyn Usoo Dirtay Soomaaliya

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa ku hanjabay in uu dhimayo Raashinka uu ku bixiyo Dadka danta yar ee Soomaalida ah.

Warbixin ka soo baxday WFP ayaa lagu sheegay in Bisha June ee sanadkan ay dhimi doonaan kala bar Raashinka ay siiyaan dad Soomaali ah oo ay tiradoodu gaareyso 1.3Milyan oo qof kuwaas oo ku kala nool guud ahaan Gobollada Soomaaliya.

5.9 Milyan Soomaali ah oo u dhigma kala bar dadka Soomaalida ayaa ku tiirsan Qaramada Midoobey kaalmada ay bixiso waxaana ugu nugul 1.3Milyan oo raashin qoyan ka qaata Xarumaha WFP ee Soomaaliya.

Afhayeenka WFP Tomson Phiri, ayaa xaaladda Soomaaliya ee xilligan ku tilmaamay mid aad u liidata gaar ahaana dadka Barakacayaasha ah ee ku tiirsan gargaarka Hay’adaha samafalka ay bixiyaan.

Waxaa uu Qaramada Midoobey ka codsaday in la taageero dadka danta yar waddamada ballanqaadka sameynayna ay bixiyaan yabooha dadka ku tiirsan Qaramada Midoobey.

You might also like More from author