Haweenay mudo iska dhigaysay Nin qabtayna laba haween oo Gaalkacyo lagu soo bandhigay

Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa soo bandhigay Haweenay iska dhigi jirtay nin oo muddo qabtay laba haween ah.

Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo bandhigay Haweenaydaan oo sida Booliska ay sheegeen wadatay Bistoolad iyo qalab dumarka ay u isticmaali jirtay.

Deeqo Cabdulaahi ayaa lagu sheegay magaca haweenaydaan, balse Booliska waxa ay sheegeen in magaca Deeq ay ku joogtay magaaalada ugu dambeyna la soo qabtay.

Saraakiisha Booliska Gaalkacyo ayaa sheegay baaritaano ay sameeyeen dumarka Booliska in lagu ogaaday xaqiiqada ah in qofkaan uu yahay Dumar.

Deeqo oo la hadashay Warbaahinta waxa ay xaqiijisay inay tahay dumar, islamarkaana Bistoolada ay u wadatay inay ku ilaashato goob mehrad ah oo u furan.

Arrintaan ayaa dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo si wayn u hadal hayaan oo ay la yaaban yihiin sheekada ku saabsan haweenaydaan iska dhigeysay ninka ee lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

You might also like More from author