Hanti dhowrihii Guud Ee Maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland Marxuum Cabdi Casiis sheekh Xuseen Dayib.

Lama sheegin Xanuunka uu udhintay waxaase geeridiisa laga war helay saaka oo khamiis aheyd.

Marxuum Cabdi Casiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Dowlad Goboleedka Jubaland wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan ee Maamulkaasi.

You might also like More from author