Halkee ayay mareysaa diyaar garowga Doorashada M/weynaha Hirshabeelle ?

Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay u dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlaha qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay oo ay ku dhici lahayd doorashada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan dhici doonin dib u dhac ku yimaada qabsoomida doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii waqtigii loogu tala galay ay ugu dhici lahayd doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle.

12 bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle ee badali lahaa Cali C/laahi Cosoble oo ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

You might also like More from author