Hal Milyan dad kor udhaafaya oo berri doorashada Soomaaliland isku diyaariyey

Berri oo isniin ah waa xilligii loo ballamay inay doorashada Golaha Deegaanka iyo mida Wakiilada Soomaaliland dhacdo,ololaha Doorashada ayaana maalmihii dambe socday oo kala xod xodasho lagu sameenayey Dadka codeynaya.

Waa doorasho qof iyo cod ah,waxaana xisbiyada tartamaya ee Kulmiye,Ucid iyo Waddani mid walbo uu doonayaa dhankiisa inay guusha noqoto.

Kormeerayaal Shisheeye ah iyo marti Sharaf la casuumay ayaana Hargeysa kusugan si ay ula socdaan Doorashada dimoqraadiga ah ee berri dhaceysa.

Inkabadan Hal milyan qof ayaa is diin waan geliyey taas oo doorashada ay udiyaar garoobeen.

Doorashada ayaa ka dhaceysa 2,709 Buqcadood,waxa tartamaya 552 Murashax oo utaagan Kuraasta golayaasha Deegaanka Halka 246 Murashax ay u tartamayaan Golaha Wakiillada iyadoo Doorashaduna ay ka dhacayso 23 degmo oo soomaaliland ku yaalla.

Soomaaliland oo labo todobaad ka hor udabaal degtay sanad guuradeedii 30aad ayaa weli helin Aqoonsi caalami ah iyadoo ay sheegato inay ka go’day Jamhuuriyada Soomaaliya.

You might also like More from author