Guriga Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani oo la weeraray

Guriga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa xalley dabley ku weerartay.

Dableyda ayaa dhaawac u geystay askari kadibna guriga dhagax ku weeraray sida uu maanta warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland waxaa uu sheegay in booliisku ay weerarkaasi u qabqabteen shan qof oo lagu eedeynayo falkaasi,waxaa uu sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan dadka falkaasi ku dhacay haddii ay ku cadaato dambiga ay geysteen.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde ayaa cambaareeyay weerarkaasi lagu qaaday guriga Musharax xisbiga Waddani.

Ololaha doorashooyinka Somaliland ayaa socda kuwaasi oo dhalinyaradu mararka qaar rabshado ku dhex maraan magaalooyinka Somaliland.

You might also like More from author