Gunaanadka Dacwada Kiiska Badda Oo Galabta ICJ Laga Sugayo

Sida la filayo Maxkamada Cadaalada Adduunka ICJ ayaa Gelinka Dambe Khamiista Maanta lagu wadaa in ay soo geba gabeyso Dhageysiga Kiiska Dacwada Badda.

Kenya ayaa ka maqan Fadhigaasi,iyadoo Soomaaliya ay yadadiilo ka qabto war farxad u ah Shacabka Soomaaliyeed in Maxkamada ay soo saarto.

Abaare 3:00 Galabnimo ayaa la filayaa in Magaalada heeg la iskugu yimaado Fadhiga maxkamada islamarkaana Wafdiga Soomaaliya metalaya Kiiskaasi ayaa sheegay inay udheg taagi doonaan Garsoorka iyo Dhageysiga waxay kasoo saaraan.

Dood Afeedka oo Isniintii iyo Talaadadii Isbuucaan ay Soomaaliya kasoo gudbisey Maxkamada Horteeda ayaa lagu bogaadiyey Qareenada Soomaaliya sida ay miisaamida leh usameeyeen garnaqsigooda.

Shacabka Labada Dal ayaa isha ku haya waxa go’aan ka imaan doona Maxkamada ICJ iyadoo hadii Soomaaliya loo Xukmiyo Kiiska badda la sheegay in ay Kenya weyn karto Masaafo Badeed dhowr ah oo ku jirto deegaan dalxiiseedka Lamu.

You might also like More from author