Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Ee Al-shabaab Oo duqeyn lagu dilay

Waxaa saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka inoo xaqiijiyen in Duqeyn xalay ka dhacday degmada Saakow ee Jubada Dhexe lagu dilay Masuul ay dhawaan Al-Shabaab u magacaabeen Gobalka Banaadir magaciisana lagu sheegay Daahir Macalin.

 

Duqeynta oo ay fuliyeen sida la sheegayo diyaaradaha nuuca aan duuliyaha la hayn ayaa lagu bartilmaa meedaday Sakaalka Alshabaab dhawaan u magacaabeen Banaadir iyo xubno la socday

 

Waxaa duqeynta ay haleeshay xilli ay safar gaari ku marayeen duleedka Saakow ee Jubada dhexe

Sarkaal kan ayaa magacaaban maal mo kooban iyadoo tan iyo sarkaal kii hore al shabaab ugu magacownaa banaadir isla sidan oo kale duqeyn lagu dilay .

Alshabaab wali kama aysan hadal dilka sarkaal kooda .

You might also like More from author