Gudoomiyihii Deegaanka Leego oo xalay lagu dilay Gurigiisa

Abaare 10:00pm Habeenimadii Xalay ayaa koox hubeysan waxay weerar ka fuliyeen Deegaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil Ciidan iyo Saxafiyiin kusugan Wanla weyn oo aan saaka la hadalnay waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Leego Xasan Gudcur.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qaabka loo fuliyey weerarka,dadka deegaanka qaarkood ayaa noo sheegay in qarax bambaano lagu dilay Gudoomiye Gudcur,halka warar kale sheegayaan in bistoolad koox wadatay ay toogteen.

Marxuumka ayaa lagu dhex dilay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Muuri,waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay labo katirsanaa ilaaladiisii gaarka ahaa.

Ma jirto faah faahino intaasi ka badan aan ogaanay,lamana sheegin cida beegsatay Gudoomiyahaasi,hayeeshee weerarada nuucaan oo kale ah waxaa looga bartay Al Shabaab inay geystaan.

Ciidamada Meliteriga oo fadhiisin ku leh meel aan ka fogeyn halka lagu dilay Gudoomiyihii deegaanka Leego Xasan Gudcur ayaa bilaabay saaka inay baaritaano bilaabaan,si loo soo qabto gacan ku dhiiglayaasha.

You might also like More from author