Gudoomiye Mursal oo wada abaabul xoogan

Waxaa Fashilmay qorshe culus oo uu wado guddoomiyaha golaha shacabka kaasi oo ahaa inuu doonayo in shir deg deg ah uu isugu yeerayo xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaan Idiris ayaa tilmaamay in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu farriimo u diray qaar ka mid ah xubnaha golaha, taas oo ku aadan shir deg-deg oo uu yeelanayo baarlamaanka dalka.

“Waxaan arkaayey farriimo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu soo diray uu ku leeyahay shir deg-deg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa baarlamaanka iskuugu wacay,” ayuu yiri.

Idiris ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in haatan Mursal uu shir isugu yeero baarlamaankii 10-aad, iyada oo kii 11-aad laga soo doortay 29 Senatar, sida uu hadalka u dhigay.

Ma shaacin xildhibaanku waxyaabaha looga hadlayo kulanka uu sheegay in baarlamaanka uu isugu yeerayo Mursal, balse wuxuu hadalkiisa kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto xiisad xoogan.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, waxaana labada xafiis ay haatan qaadayaan tallaabo uu midba mid kale ku weerarayo.

You might also like More from author