Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ku wajahan Dalka Bakistaan

Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka somaliya mudane Abdi xaashi Oo kulan qadka taleefanka ah kula yeeshay dhigiisa dalka Pakistan mudane Sadiq Sanjrani ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka .

Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka pakistan mudane Sadiq Sanjrani Ayaa casuumaad rasmi ah ufidiyay dhigiisa dalka somaliya mudane Abdi xaashi si uu u yimaado dalka pakistan loona xoojiyo xiriirka labada BaarlamaanIsagoona sheegay in ay mudantahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka somaliya  iyo Pakistan.

Dhanka kale gudoomiye Abdi xaashi gudoomiyaha Baarlamaanka aqalka sare ee jamhuuriyada dalka somaliya ayaa aqbalay islamarahantaana soo dhaweeyay casuumaada uu u fidiyay dhigiisa dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani Isagoona sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan Iyadoo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka  somaliya  iyo pakistan.

Kulankaan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadaan mas’uul ayaa daba socday kulan dhinacya badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd  ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan Danjiraha safaarada jamhuuriyada somaliya ee dalka pakistan marwa Khadiija maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha aqalka sare ee dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani.

You might also like More from author