Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee koofur galbeed oo Sheegay in naftiisa oo kala Soo baxay Baydhabo.

Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Fanax)  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Saxaafada ayaa Waxaa uu sheegay in naftiisa uu kala Soo baxay Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in Maxkamadda amni daro awgeed ay uga soo guurtay magaalada Baydhabo, wixii hada ka dambeeynaya ay ku shaqeyn doonto Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uuna Beesha Caalamka iyo Dowlada Soomaliya ugu baaqay in loo fududeeyo inuu ku shaqeeyo gobalkaas.

Maamulka koofur galbeed ayaan weli ka hadlay Dhibaatada uu sheegay gudoomiyaha maxkamada sare ee Koofur galbeed,taasi oo ku aadan in cabsi awgeeda uu dhibaatada kala soo baxay magaalada baydhabo ee g.bay.

You might also like More from author