Gudoomiyaha Mandheera Oo Maxkamada Nairobi Kasoo Muuqanaya

Barasaabka Mandheera Ali Roba iyo laba sarkaal oo kale oo ka tirsan countigani mandera ayaa lagu amray inay maanta ka soo hormuuqdaan maxkamada shaqada iyo shaqaalaha Ee Nairobi   kadib markii lagu edeyay inuu u hogansami way Amar Maxkameed oo la Soo Saray 25 Kii bishii Janaayo .

Xoghayaha ismamulka Mandera  Cabdinuur Macallin Xuseen iyo Guddoomiyaha Golaha Adeegga Dadweynaha Ethila Maxamuud ayaa sidoo kale Ayaa iyagana agu edeeyay inay u hoggaan sami qateen  amarrada maxkamadda oo la soo saaray 25-kii Janaayo.

Garsoraha maxkamada shaqada iyo shaqaalaha Dalka  Onesmus Makau ayaa xililagaasi ku amaray xukumadda cali Ibrahim roba inay shaqada dib ugu soo celiyay afar wasir oo horay shaqada loga tiray ama ay dib u bixiyaan  mishaaradka shaqaalahasi Laga Soo billaabo tan Iyo Markii shaqada Laga tiray  .

Afartaasi wasir ayaa ku dacwadeeyay dowladda ismaamulka  mandera in si qalad ah shaqada loga eryay ,  waxayna maxkamadu ku amartay gudoomiyaha ismamulka  inuu  xisaabiyo musharadka  ka maqan ilaa maalintii shaqada laga eryay laguna bixiyo muddo 30 maalmood gudahood.

Si kastaba ha noqotee   waxay ku guuldareysteen  inay u hogaansamaan amarka Maxkamada , iyaga oo ku qasbay wasiradaasi inay mar kale dacwad u gudbiyan  garsoraha  Monica Mbaru.

Wasiradaasi shaqada laga eryay ee dacwada gudbiyay waxay kala  yihiin Cabdicasiis Sheekh Maad oo ahaa wasirkii hore ee  ganacsiga iyo warshadaha, Johora Abdi oo ah wasirkii hore ee Beeraha , Xolaha iyo  Kalluumeysiga iyo Shamsa Mohammed oo ah wasirda

Jinsiga iyo Adeegyada Bulshada iyo Xasan Maxamed Axmed oo ahaa madaxa  caafimaadka Mandera

Gavana cali Ibrahim roba ayaa wasiradni shaqada ka eryay bartimihii bishii febraayo ee sandkii hore  2020 waxaa una  ku dhalilay inay ku gul dareesteen  kasoo bixida waajibadka loo igmaday ee hormarinta danaha dowlada kowntiga.

You might also like More from author