Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan madaxa xiriirka caalamiga ah Maxamed Muuse iyo madaxa maamulka iyo maaliyadda Cabdi Udan ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

Guddiga iyo Amb Mrs Kate ayaa ka wada hadlay doorashada iyo caqabadaha ku gadaaman, iyagoo hoosta kawada xariiqay muhiimadda iyo dhameystirka doorashada, Kulankan ayaana  jawi wanaagsana ugu qabsoomay Madaxda.

Kulanka ay yeesheen Gudoomiyaha Iyo Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa kusoo adeeyo iyadoo Doorshadda Golaha shacabka ayaa wali socoto Gobolada dalka, Waxaana isasoo tarayo Cabashooyinka laga muujinayo Hufnaanta doorashada.

You might also like More from author