Gudoomiyaha Degmada Deeyniile oo loo doortay xubin kamid ah Golaha Shacabka.
–Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#025 ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah waxaana musharaxiinta kuwadda tartamayay ay ahaayeen Mohamed Abukar Cali (Jacfar) iyo Xasan Cali Cismaan
Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in uu tartanka ka tanaasulay Xasan Cali Cismaan, iyadoona ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen Mohamed Abukar Cali (Jacfar) waxaana ogol ugu codeeyey 100 ergada ah, waxaa maya ku codeeyey 1 ergo ah, mana jirin wax ka aamusay.
Sidaa daraadeed Guddiga ayaa sheegay in uu guuleystay doorashada kursi HOP#025 Mohamed Abukar Cali (Jacfar) oo helay 100 cod